Dawladda Suudaan ayaa calaaqaadka u jartay Kuuriyada Waqooyi si ay uga soo baxdo shuruudaha uu Maraykanku ku xiray si looga qaado cunaqabataynta dhaqaale ee saran, sida uu ku warramay wargayska uu fadhigiisu Britain yahay ee Financial Times.
Waxaa la filayaa in Maraykanku uu ku dhawaaqo 12 bishan Oktoobar go’aanka ku aadan in uu si dhamaystiran cunaqabataynta uga qaadayo Suudaan.
Saraakiil sarsare oo reer Suudaan ah ayaa shalay sheegay in ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa, ayna rajaynayaan in laga qaado cunaqabataynta.
Bishii Juunyo ayuu madaxweyne Donald Trump saddex bilood dib u dhigay go’aankii uu si buuxda cunaqabataynta dhaqaale ugaga qaadi lahaa Suudaan.
Cunaqabataynta dhaqaale ayaa la saaray Suudaan ka dib markii lagu shaanbadeeyay “in ay taageerto argagixisada”.