Somali News

Dowladda Suuriya oo dalabatay in ay dalkeeda deg-deg uga baxaan Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Turkiga.

Muqdisho-KNN-Dowlada Siiriya ayaa dalbatay in ay dalkeeda deg-deg uga baxaan Ciidanka shisheeye hadii ay ka bixi waayaana ay xaq u leedahay in ay talaabo ka qaado ciidankaasi.

“Mareykanka iyo Turkigu Sharci darro ayey ku joogaan woqooyiga Suuriya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Siiriya Waliid Al-Mucalim oo khudbad ka jeeedinayay Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda midoobay.

“Ciidanka Shisheeye ee dalkeena jooga inaga oo aan u ogoleyn waaa ciidan dalkeena qabsaday waana in ay deg-deg uga baxaan” ayuu Wasiir Waliid hadalkiisa raaciyay.

Dalka Siiriya oo dagaalkiisa sokeeye uu socda muddo sideed sano ah waxaa ku sugan military iyo maleeshiyaad shisheeye oo awoodda ku loolamaya.