Somali News

Dowladda Sweden oo sharci cusub ku soo rogtay Xawaadaha Soomaalida

Dowladda Sweden ayaa xannibtay Akoonnada ay isticmaalaan Xawaaladaha lacaga u dira gudaha Soomaaliya, taasi oo walaac ay ka muujiyeen bulshada Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

Tillaabada ay qaaday Dowladda Sweden ayaa lagu sheegay in ay u xannibtay Akoonnada maadaama aysan hubin cida rasmiga ah ee lacaga ay u direen Xawaaladaha, isla markaasna laga yaabo in ay gacanta u galaan Kooxaha Argagixisada.

Soomaalida ku nool dalka Sweden oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in tillaabadani ay caqabad ku tahay lacagihii ay eheladooda ku nool dalka u xawali jireen.

Bulshada Soomaalida ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa eheladooda ku nool gudaha dalka u soo dira lacago ay u soo marsiiyaan Xawaadaha, taasi oo qeyb wayn ka qaadatay kobaca dhaqaalaha iyo ka hor tagga faqriga.