Somali News

Dowladda Turkiga oo aad u cambaareysay weeraradii Bariire iyo Awdheegle

Muqdisho-KNN-Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si adag loogu cambaareeyey weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin magaalooyinka Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalkan ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Waxaan ka xunnahay in aan helno warka sheegaya in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya maanta (3da Abriil) weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

Qoraalka wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan foosha xun ee argagaxiso, waxaana si kal iyo laab ah ugu tacsiyeynaynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii ku nafwaayay weeraradaasi si deg deg ahna u bogsiiyo dhaawacyada kale.”

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa mar kale qoraalkaan ku balan qaaday inay sii garab taagnaa doonto Soomaaliya, si gaar ahna ay uga gacan sii doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa go’aankiisa ah inuu garab istaago dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhinacooda marka laga hadlayo argagixisada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.