Somali News

Dowladda Turkiga oo digniin u dirtay Midowga Yurub

Muqdisho-KNN-Dowladda Turkiga ayaa digniin u jeedisay Yurub, iyadoo u sheegeysa in haddii dalabkeeda la fulin waayo ay qaadi doonto tallaabo culeys weyn u keeneysa Yurub.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku gooddiyay in waddankiisa uu dib u furi doono marintii ay qaxootiga Suuriga ugu gudbi jireen qaaradda Yurub.

Wuxuu si adag Turkiga u dalbanayaa in lagu taageero sidii uu goob nabdoon oo qaxootiga ah joogi karaan looga sameyn lahaa Waqooyiga-bari ee dalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegay in uu u baahan yahay in laga caawiyo dhinaca istiraatiijiyadda.

“Waa in sidaas la sameeyo, haddii kale waxaan ku khasbanaan doonnaa inaan albaabbada u furno qaxootiga qulqulaya”, ayuu yiri Erdogan.

Turkiga ayaa hadda marti galiya in ka badan 3.4 malyan oo qaxooti reer Suuriya ah oo ka barakacay dagaallada sokeeye ee halakeeyay waddankooda.