Madaxwaynaha dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdogan aya ka hor yimid xabad joojin ay si deg deg ah ugu dhawaaqday dowladda Mareykanka in ay ka hir gasho waqooyi bari dalka Suuriya.
Hadalka Mr Erdogan ayaa kusoo beegmay xilli ay dalkaasi booqasho ku joogaan madaxwayne ku xigeenka Mareykanka iyo xoghayaha arimaha dibadda.
Ruushka oo taageero dowladda Suuriya ayaa sheegay in uu ka hortagayo isku dhac dhax maro ciidamada Suuriya iyo kuwa Turkiga.
Ankara ayaa sheegtay in ay doonayso in aag amaan ah oo dhirirkiisu gaarayo 30km ay ka sameeso xadka Suuriya si ay halkaasi usoo dajiso illaa iyo labo malyan oo qaxooti Suuriyaan ah kuwaas oo haatan ku nool gudaha Turkiga.
Mareykanka ayaa si wayn loogu dhaleeceeyay go’aanka uu ciidamadiisa kaga saaray waqooyi bari Suuriya balse Mareykanka ayaa dhawr jeer beeniyay in Turkiga uu u fasaxay weerar uu ku qaado Kurdiyiinta.
Tobonaan ruux oo shacab ah ayaa illaa iyo haatan ku dhintay weerarka, halka ugu yaraan 160,000 oo ruuxna ay ku barakaceen sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.
Mr Erdogan ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah kulan layeesho madaxwayane ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo xoghayaha arimaha dibadda Mike Pompeo.


