Somali News

Dowladda Uganda oo Dadka ka maamnuucday Koofi uu xirtay hogaamiyaha mucaaraadka.

Muqdisho-KNN-Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in koofida gaduudan ay tahay labis rasmi ah oo military dadka xirtana ay xabsiga tagi doonaan. Talaabadaan ayaa ah mid lagu mamnuucayo labis ay bilaabeen Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Bobi Wine iyo taageerayaashiisa.

Bobi Wine oo ah fanaan siyaasi isu badalay ayaa ku dhawaaqay in uu doorashadda kula tartamayo Madaxweynaha Yoweri Museveni sanadka 2021 waxaana uu xirtay koofi gaduudan oo lagu dhajiyay sixiixiisa. 

Mucaaradku waxay koofida gaduudaan ka dhigteen calaamad iska caabin.

Si kastaba, koofida waxaa caadi ahaan xirta qaar ka mid ah Ciidamadda waxaana Dowladdu ay sheegtay in xabsi daa’in lagu xukumi doono ciddii lagu arko iyadoo ku labisan koofidda gaduudan.