Somali News

Dowladda Uganda oo jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray Al-shabaab

Dowladda Uganda ayaa soo saartay war ay kaga jawaab celineysa hadii uu jiro khasaaro kasoo gaaray qarax ismiidaamin ahaa oo dhawaan ka dhacay degmada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana lagu bartilmaameedsaday guddoomiyihii degmadaas A.U.N Cabdullaahi Waafoow.

War kasoo baxay Afhayeenka Ciidamada Uganda, Brig Gen Felix Kulayigye,, ayuu kaga hadlay qaraxa ismiidaaminta ah iyo hadalkii kasoo baxay Al-shabaab ee ahaa in Weerarka qaraxa ismiidaaminta ah ay ka geysteen degmada Marko ay khasaaro ku gaarsiiyeen Saraakiil iyo askar ka tirsan kuwa Uganda oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS (Ex-AMISOM).

Afahyeen Felix Kulayigye, ayaa hadalkaas kasoo baxay Al-shabaab ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona aan lahayn , wuxuuna carabka ku dhuftay in dhamaan askarta Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay bad qabaan, islamarkaana aan ay been abuur tahay in askar halkaas looga dilay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in in Ciidamadooda ay weli ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose howgalladooda dhinaca Amniga ah oo ay ku taageerayaan Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamada ugu badan ee ka socda dowladda Uganda kana mid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Marka ay kudileen 12 askari oo kamid ah Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.