Uncategorized

Dowladda Uganda oo sheegtay in ay dhameestir-tay la bixitaanka Wijiga 1-aad ee Ciidanka ka jooga Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay dhameestirayn la bixitaanka qaybta koobaad ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya kadib hadal ay dhawaan soo saartay Dowladda Uganda.

Qoraal laga soo saaray Uganda ayaa lagu sheegay in ay la baxday 281 Askari oo ka mid ah Ciidankeeda ka jooga Soomaaliya taasina ay soo afjareyso wijiga 1aad ee la bixitaanka Ciidamada Uganda.

Uganda ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo gaaraya ilaa 6,000 oo Askari waana Dalkii ugu horeeyay ee Ciidamo keena Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM.