Somali News

Dowladda UK oo mowqif adag ka istaagtay mudo kororsigii Farmaajo iyo Golaha Shacabka

London-KNN-Dowladda Ingiriiska ayaa ku boorrisay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada in ay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka, si ay xal uga gaaraan muranka doorashooyinka dalka, iyadoo hadii ay taasi dhici weyso ku hanjabtay inay beesha caalamka kala shaqeyneyso qorshe mideysan oo lagu wajahayo Soomaaliya.

Cadaadiskaan ka imaanaya UK Mareykanka iyo dalalka iyo ururada kale ee caalamka waxa uu imaanayaa kadib markii Isniintii todobaadkan ay muddo kororsi laba sano ah sameysteen xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Dowladda Britain ee Afrika James Duddridge ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen go’aanka uu Golaha Shacabka Soomaaliya uu muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyey Farmaaajo iyo baarlaamanka mudo xileedkiisu dhamaaday.

Haddii la waayo heshiis hoggaamin kara doorashooyin loo dhan yahay oo la isku haleyn karo, UK waxay kala shaqyen doontaa saaxiibada caalamka hab si isku mid ah dib loogu qiimeynayo xiriirka aan la leenahay iyo kaalmada aan siino Soomaaliya. Waxaa isbeddeli doona xiriirka ay beesha caalamka la leedahay hoggaanka Soomaaliya,” ayuu yiri James Duddridge Wasiirka Dowladda Britain ee Afrika.