Somali News

Dowladda UK oo tabobar usoo xirtay Ciidan ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Sida lagu daabacay Bogga internerka ee Dowladda UK, 500 oo Askari ayaa tabobar loogu soo xiray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taas oo UK ay sheegtay in ay qayb katahay ka qayb qaadashadeeda nabadeynta gobolka.

Ciidan Ingiriis ah ayaa tababar siinayay Askarta tabobarka loo soo xitay tan iyo sanadkii 2017kii bishii January, waxaana tabobarkoodu quseeyay, caafimaadka, hogaanka, Sirdoonka, saadka iyo saanadda, iyo xuquuqul insaanka.

 “Ciidanka militariga Soomaaliya waa la dhiirigaliyay, aad ayaana wax loo baray, waa ay naga go’antahay horumarinta dalkooda” ayuu yiri Mark Lancaster.

Qubaradda Militariga ayaa aaminsan in Tabobaradda kala duwan ee Ciidanka Xogga dalka ay keeneen in Ciidanku ay isfahmi waayaan marka ay joogaan furimaha dagaalka iyo miiska qorshaha howlgaladda.