Uncategorized

Dowladda”Imaaraadka waan kala wareegeynaa Ciidankayna”

Muqdisho-KNN-Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga Wasaaradda Gaashaandhigga lagana soo wareejin doono dhawaan.

“waxaan la soo wareegeynaa Ciidanka difaaca Soomaaliya ee tababarka siisay Dowladda Imaaraadka Carabta, Ciidankaas ayaa si toos loola soo wareegi doonaa 12ka Bishaan oo ku beegan aas aaska Ciidanka Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

Waxaa uu sheegay inay u mahad celinaayaan dowladda Imaaraadka Carabta Tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray  xerada Generaal Goordan.