Somali News

Dowlado ku heshiiyay inay damiyaan Dabka Amaazon.

Muqdisho-KNN-Todoba dal oo ku yaala Koofurta America ayaa ku heshiiyay inay ilaaliyaan kaynta Amazon, islamarkaana ay wada jir ugu istaagaan daminta dabka ka holcaya kaynta ugu weyn dunida.

Bolivia, Brazil, Colombia, Ecuador, Guyana, Peru iyo Suriname ayaa kala xisiixday heshiis ah in ay sameeyaan Shabakad musiibadda ka jawaabta iyo kormeer dayax-gacmeed.

Shirka oo lagu qabtay Clombia ayey sidoo kale ku heshiiyeen in dib loo talaalo dhirta gubatay.

In ka badan 80,000 oo goobood ayuu dabku buburiyay Kaynta Amazon sanadkaan gudihiisa.

Madaxda wadamadda heshiiska gaaray ayaa wacad ku maray inay awoodooda isu geyn doonan si ay Jawaabtoodu wax uga tarto musiibadda.