Somali News

Dr. Abdinasir oo Mareykanka kala hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Xafiiska Warfaafinta ee Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Abdinasir Abdille Mohamed ayaa baahiyey war-saxaafadeed lagu sheegay in kulan dhanka aalada Zoom-ka ahi dhexmaray Musharaxa Madaxweyne iyo Congressman Donald Payne Jr. oo lagasoo doorto gobolka New Jersey ahna madaxa guddi hoosaadka Guddiga Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Aqalka Senate ka ee dalka Mareykanka.

Kulankaas ayaa looga hadlay gebi ahaanba xaaladda guud iyo doorashooyinka Soomaaliya, iyo sidii Dowlad Mareykanka u taageeri lahayd dimuqraadiyadda curdinka ah ee Soomaaliya.

“ Doorashada Soomaaliya ee dib u dhacday waxaa masuul ka ah madaxda Dowladda Federaalka ee waqtigoodu dhammaaday bishii Febraayo 2021, waxaan soo dhaweynaynaa siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan in la qabto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah, waxaanu ka digaynaa dhibta ka imaan karta muddo kordhin iyo kursiga oo la isku dhejiyo inay keeni karto dib u dhac dhanka horumarinta Soomaaliya iyo geeska Afrikaba” ayuu yiri Dr. Abdinasir

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda cudurka Covid-19 ee ku sii fidiya Soomaaliya, abaaraha, dhibaatada ayaxa, fatahaadaha iyo xaaladda bini-aadanimo ee dalku ku suganyahay isagoo sheegay in Dowladda Mareykanka iyo indhaha Hay’adaha caalamiga lagu soo jeediyo arrimahaas degdega ah ee taagan marka laga soo tago dib u dhaca doorashada.

Dhanka kale Congressman Donald Payne Jr. ayaa sheegay isagoo raacaya dhaxalka hoggaamineed ee Aabihiis inuu sii wadayo taageerada horumarka qaaradda Afrika, isagoo caddeeyey in uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo qaadda waddada saxda ee horumarka iyo dimuqraadiyadda. Wuxuuna u muujiyey taageeradiisa maadaama uu aaminsanyahay in uu ka shaqeynayo horumarka, dhawridda xuquuqda bini-aadamka iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya.