Jowhar-KNN-Mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xiisaha badnaa ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle waxaana lagu dooranayay kursi ka banaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay ilaa Lix Murashax oo kala ahaa C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe Taliyihii hore ee NISA, Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Dahir Cabdulle Cawaale, Nuur Iidow Beyle, Dahabo Xasan Axmed iyo Xuseen Axmed Geelle.
C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa ku guul dareestay in uu difaacdo kursigaasi oo markii hore baneeyay kadib markii loo magacaabay Taliyaha NISA ee Soomaaliya, waxaana ka guuleestay Dr Nuur Iidow Beyle.
Wareegga 2-aad ayaa waxaa usoo gudbay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 cod iyo Dr Nuur Iidow Beyle oo helay 23 cod waxaana jiray codad halaabay.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo ku dhawaaqday natiijada wareegii labaad ayaa sheegtay in kursigan uu ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo helay 27 cod, halka C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe uu helay 24 cod.
Kursigaan doorashadiisa ayaa xiiso gaar ah lahaa, waxaana dadka ka qayb galayay ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi cosoble oo xilkiisa ku waayay mooshin ay ka keeneyn Baarlamaanka Hirshabeelle iyo C/llaahi Maxamed Cali Sanbalooshe oo si fudud markii hore xilkaan ku baneeyay.