Somali News

Drs. Xaawo Cabdi oo ku geeriyootay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Allaha u naxariistee waxaa saakay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Diktooreyso Xaawo Cabdi Dhiblaawe, oo aheyd Hooyo dhakhtarad ah, isla markaana si weyn looga yaqaanay Soomaliya, gaar ahaan gobollada koofureed ee dalka.

Gabadheeda Drs. Deeqa Aadan ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegtay in hooyo xaaladeedu uu ahaa mid wanaagsan saacadihii u dambeeyey ee nolosheeda.

Sidoo kale waxay sheegtay inay caafimaad qabtay oo guriga ay ku geeriyootay. Isala markaana ay saakay si caadi ah u quraacatay.

Ugu dambeyntii Deeqo waxay noo sheegtay in marxuum Xaawa Cabdi ay ifka ugu tagtay laba gabdhood.

Allaha u naxariistee Drs. Xaawo Cabdi ayaa ka shaqeyn jirtay arrimaha samafalka, iyadoo lagu xasuusto gargaaradii bini’aadanimo ee ay ka fulun jirtay koofurta Soomaaliya, xilliyadii adkaa ee dalku burburka ku jiray.

Hoos ka dhageyso wareysiga