Somali News

DF oo ka hadashay dadkii Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Zambia.

Ndola-KNN-Hadal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu sheegay iney si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in dadkaas Soomaaliyeed ee xariga loogu geystay dalka Zambia uu salka ku hayo hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, taas oo ay sheegtay in walaac ku dhalisay Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Dfs ayaa sheegtay in ay xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka looga xumaaday.