Uncategorized

Dufaano xoog leh oo ku wajahan Jasiiradda Puerto Rico.

Muqdisho-KNN-Duufaan awood badan oo lagu magacaabo Irma ayaa ku soo wajahan Jasiiradda Puerto Rico, waxaana socda diyaar garow iyo baaqyo loo jeedinayo Shacabka ku nool Jaziiradaasi.

Duufaanta Irma ayaa ugu yaraan 7 qof kusoo dishay sidoo kalane burbur baahsan kaga geysatay jasiirado ka tirsan Caribbean-ka ee Dalka Maraykanka waxaana wali taagan Saameynteeda.

Duufaantan oo saacadiiba jaraysa masaafo ah 295 km, ayaa durbadiiba roob lixaad leh iyo dabeylo xooggan gaarsiisay jasiiradda Puerto Rico ee hoos timaada Maraykanka.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool jasiiradaasi ayaa xilli hore sii keydsaday cunno iyo biyo, waxaana loogu baaqay in aanay guryahooda kasoo bixin.

Mas’uuliyiinta jasiiradaasi ayaa sheegay in dhowr maalmood ay dadka halkaa ku nool koronto la’aan noqon doonaan.

Duufaanta Irma ayaa ugu horayn ku dhufatay waddanka labada jasiiradood ka kooban ee Antigua iyo Barbuda.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Gaston Brown ayaa sheegay in Irma ay waxyeelaysay boqolkiiba 95 dhismayaasha jasiiradahaasi.