Somali News

Dunida muslimka oo maanta laga sooman yahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan

Dunida Muslimka ayaa maanta laga sooman yahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan kadib markii xalay laga arkay dalal badan bisha Soonka.

Boqortooyada Saduudiga ayaa xalay marsii horeysay ku dhawaaqday salaada Taraawiixda si Maanta loo soomo kadib markii bisha laga arkay dalkasi.

Golaha Sare ee Garsoorka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in Maanta ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadan 13 April 2021 kuna beegan 1 Ramadan 1442.

Dowlada Soomaaliya ayaa xalay sido kale ku dhawaaqday in Maanta Soomaaliya oo dhan ay ka tahay maalinta 1aad ee bisha barakeysan ee Ramadan.

in ka badan 1.5 bilyan oo muslimiin ah ayaa la filaya iney gutan waajibka bisha barakeysan ee Ramadan caalamka oo dhan.