Somali News

Duq cusub oo Garowe loo doortay

Garowe-KNN-Xarunta dowladda hoose ee magaalada Garoowe waxaa maanta ka dhacday doorashada Duqa degmada Garoowe oo ay ku tar tameen musharaxiinta kala ah , Axmed Bare Siciid Muuse iyo Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke .

Goobta ay doorashada ka dhacday waxaa goob joog ka ahaa ,wasiirka arimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose C/laahi Timacade iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Doorashada ayaa waxaa ku guulaystay Axmed Bare Siciid Muuse oo helay 18 cod , Halka ninkii latartamaayay oo ahaa Maxamed AbshirJaamac Bakuuke uu ka helay 8 cod .

Golaha deegaanka magaalada garowe ayaa ka kooban 27 xubnood,kuwaasi oo dhawaan la soo xulay.