Gaalkacyo-KNN-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay wadaan qorsho ay xilka kaga qaadayaan Duqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Xubnahaan ayaa Duqa magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland Maxamuud Yaasiin ku eedeeyay in uu baal maray xeerarkii iyo sharciga.
Sidoo kale xubnahaan ayaa sheegay in Duqa Gaalkacyo uu wax u qaban waayay dadka Shacabka ah islamarkaana sharciga ay u marayaan sidii xilka looga qaadi lahaa.
Maxamuud Yaasiin Duqa magaalada Gaalkacyo ayaan wali ka hadlin eedeeyntaan loo soo jeediyay.


