Muqdisho-KNN-Dacwad soo ogooha guud ee dalka Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha Nairobi in uu lunsaday lacag dhan Sh.357 milyan oo lacagta Kenya ah ee maaliyaddii gobolka uu kala baxay.
Guddoomiyaha Ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa waxaa laga soo xiray warqad kasoo baxay Xafiiska dacwad oogaha Kenya Nuuradiin Xaaji kaasi oo amar ku bixiyay in la soo xiro.
Mr Sonko ayaa waxaa laga soo xiray magaalada lagu magacaabo Voi , halkaasi oo uu muddooyinkan dambe booqasho ku joogay.
Xafiiska dacwad Oogaha Kenya ayaa doonaya in guddoomiye Sonko la weydiiyo lacag dhan 357 Milyan oo shilinka Kenya ah , taas oo loogu talagalay maamulka uu hoggaamiyo ee Caasimadda.
Xafiiska Dacwad Oogaha Kenya ayaa sidoo kale ka digay, baaritaanada arrintaasi la xiriirta in lagu sameeyo wax carqalad ah, iyagoo dhinaca kale sheegay iney hayaan xog ku filan oo laga hayo guddoomiye Sonko.
Waxaa la filayaa in dhawaan maxkamadda la horkeeno uuna wajaho eedeymo musuq maasuqaasi la xiriira.


