Uncategorized

Duqa Muqdhisho oo sheegay khasaaraha ka dhashay Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa faafaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in khasaaraha uu ka badan yahay $35 Million oo  dollar.

Eng Yariisow ayaa yiri khasaare waxaa jira isugu jiro naf iyo maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.