Somali News

Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Booliska oo la kulmay ehelada Labo wiil oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa maanta la kulmay ehelada labadii wiil ee saakay Askeri katirsan Ciidamada Booliska uu ku dilay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed oo si wada jira ah u booqday qoysaskii Wiilashooda Saakay ladilay ayaa uga Tacsiyeeyay geerida ku timid wiilashoodii.

General Bashiir Taliyaha booliiska ayaa sheegay in la xiray Sarkaalkii utalinayay Askeriga dilka gaystay sidoo kalana lagu howlanyahay soo qabashada Askerigii dilka geystay oo asagu goobta ka baxsaday.

Guddomiye Yariisow ayaa isna sheegay in ay la fariisteen qoysaskii uga Tacsiyeyeen dilkii loo gaystay wiilashoodii waxa uuna balan qaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Cadaalada loo horkeeni doono Askerigii dilay labadaasi qof oo hada uu sheegay in lagu raad joogo.