Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed filish ayaa aqalka dawladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha taliska ciidanka ilaalada deegaanka ee Xamar.
Ujeedka kulankaas ayaa lagu sheegay in uu ahaa islaxisaabtan iyo sidii loola dagaalami lahaa musuq maasuqa, kaas oo si weyn uga dhex jira waaxyaha kala duwan ee maamulka gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu mid mid u wareystay saraakiisha ciidanka ilaalada deegaanka, isagoo u sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin musuq maasuq iyo kutakrifal awoodeed.