Muqdisho-KNN-Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay Wiil Bajaajle ahaa, si caddaaladda loo horkeeno.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa raadsanayay.
Eng. Yarisow ayaa sheegay in dilalka loo geysto dhalin yarada ka shaqeysta bajaaj-ta ay ku soo kordheen Magaalada Muqdisho.
“Waxaan farayaa Hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka danbeeyey dilka darawalka Bajaajlaha ahaa, si caddaaladda loo horkeeno, Maamulka Gobolka Banaadirna waxaa ka go’an in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo ku xadgudbaysa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqaysa Bajaajka oo dilalkoodu soo noq-noqday”.
Halkan ka dhageyso codka Guddoomiyaha:-