Uncategorized

Duqa Muqdisho oo Safiirada wadamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya ka dalbay in la taageero Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow ayaa kulan la qaatay Safiirada Wadamada Islaamka ee u fadhiya Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday Safiiradaas guddoomiyaha in ay garab istaagaan dowlada Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in waqtigan muhiimka ah ee la joogo in loo baahan yahay taageero walaaltinimo si Caasimaddu ay ula soo noqoto kaalintii ay ku lahayd Caasimadaha kale ee Caalamka.

Eng. Yariisow ayaa kulanka waxaa ku weheliyay Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Wasiirka Amniga, Hay’adaha OIC, Islamic Relief iyo qaar kamid ah Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Danjirayaasha ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen gacan siinta shacabka, waxayna tilmaameen muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo wadashaqeynta iyo garab istaagga bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow ayaa safiiradaan u fadhiya wadamada Islaamka Xalay u sameeyay Anfur Sharafeed.