Somali News

Duqa Muqdisho war ka soo saaray khasaaraha qaraxii Muqdisho oo kordhay

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa war kasoo saaray qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo dhalinyaro u badnaa, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa marka hore tacsi u diray ehellada dadkooda ay ku dhinteen qaraxii xalay, isagoo kuwa dhaawacmayna Alle uga rajeeyey caafimaad.

“Anigoo ku hadlaayo magaceeyga, kan maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose ee Xamar, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkii bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo ku taalla degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaaya in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay musiibadaasi,” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa umadda Soomaaliyeed igu baaqay in loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxa ay si bareer ah uga soo horjeedaan nolasha iyo horumarka Umada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Filish.

Ugu yaraan 11 qof oo u badan dhalinyaro aqoonyahano ahaa ayaa maanta lagu aasayaa qabooraha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo xalay fiidkii hore ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.