Muqdisho-KNN- Khasaare nafeed ayaa ka dhashay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday dalka Yemen.
Duqayntan ayaa waxaa gaystay diyaaradaha dagaalka ee xulafada Carbeedee ka dagaalama dalka Yemen, waxa ayna si gaar ah uga gaysteen gobolka Saada ee dalkaasi.
Duqayntaasi ayaa waxaa ku dhintay 12 ruux oo 4 ka mid ah ay ahaayeen carruuray da’doodu ka yar tahay 15 sano, sida ay warbaahinta u sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha.
Gobolkan Saada oo dhaca Waqooyiga dalka Yemen, ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha ay diyaarahada dagaalka ee xulafa Carbeed ka gaystaan duqaymaha ugu badan, kuwaas oo inta badan ay ku waxyeeloobaan dad shacab ah.