Muqdisho-KNN-Tobanaan shacab ah ayaa ku dhintay kuwo kalena waa ay ku dhawacmeen Soomaaliya, kadib markii Mareeykanku uu kordhiyay Weeradda ka dhanka ah Al-shabaab, baaris uu sameeeyay Wargeeyska the guardian ee kasoo baxa ingiriiska ayaa Muujineeysa cabsi soo kordheeysa oo ku aadan in tilaabadda ay qaaday xukuumadda Washington ay sabab u noqoto taageeradda Al-shabaab oo kororta.
Kordhinta Duqaymaha diyaardaha waxaa ay qayb ka tahay Siyaasadda Arrimaha dibadda ee maamulka Trump uu ku wajahayo Qaaradda Africa iyo Bariga dhexe, 34 jeer ayey Diyaaradaha Mareeykanku Duqeeyen Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay Alshabaab Maamulaan Sanadkii lasoo dhafay oo kaliya, waxaayna kulaba jibaarmeen Duqaymtii Mareeykanku uu Soomaaliya ka fuliyay 2016 kii.
Wargeeyska the guardian ayaa uruuriyay islamarkaana baaray Warbixinadii Duqaymaha Mareeykan ee Soomaaliya 12 kii Bilood ee lasoo dhaafay Wuxuuna Wargeeysku hubiyay Qoraaladda ay Tabiyeen Warbahinta Maxaliga ah iyo kuwa reer galbeed ee ka waramay Duqaymaha Mareykanku uu Soomaaliya ka fuliyay.
Shan Weerar oo dhacay wixii ka dambeeyay Bisjhii Julay ee sanadkii tagay ayaa sababay geeridda Dad shacab ah oo Wargeeysu uu Tiradooda kus heegay 50 ruux.
The guardian ayaa qoray in ay jiraan Waxyeelo kale oo Duqaymaha Mareeykanku ay sababeen hase ahaate aan lasoo warin.
Mid ka mid ah Duqaymaha ay dadka Rayidka ah ku dhinteen ee Mareeykanku fuliyay waxaa uu dhacay 6-dii December ee Sanadkii tagay , waxaana ku dhintay Shan ruux kowo kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Kooxda Caamifaadka iyo Dadka Deegaanka ayaa sidoo kale Wariyay in Sideed Ruux ay ku dhaawacmeen Duqayn ka dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose.
Bishii August Todobo ruux oo isku Qoys ah Caruurna ay ka midyihiin ayaa ku dhintay Duqayn ka dhacday Dagaanadda Koofureed ee jubaland, laakiin saraakiishu waxaa ay sheegeen in Duqaynta argagixiso lagu dilay, sida uu quray Wargeyskan aan Xiganeeyno ee the guardian.
Bil kahorna Afar Ruux oo sadax kamid ah ay Caruuryihiin ayaa dhintay Sideed kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii Diyaaradaha Mareeykanku ay Duqaeeyeen Tuulo hoostagta Magaaladda Kismayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.
Warbixin ay dhawaan soosaartay QM ayaa lagu sheegay in 74 Duqayn oo Soomaaliya laga Fuliyay intii u dhexeeysay January 2016 iyo October 2017 ay sababeen Qasaaraha Dad Rayid ah oo Tiradoodu dhantahay 57 Ruux oo shacab ah.