Somali News

Duqeymo culus oo ka dhacay caasimadda Amxaarada ee dalka Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir-daar iyo magaalada Gonder ee aan ka fogeyn xalay gantaallo lagu weeraray.

Xafiiska ka warbixiya xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Tigraay oo hoos taga xafiiska ra’isal wasaaraha wuxuu sheegay gantaalladu iney waxyeello aan badneyn u geysteen gegida diyaaradaha ee ku yaalla labadaasi magaalo.

Warbaahinta deegaanka ayaa ku warantay in gantaallada ay cabsi iyo argagax ku abuurtay shacabka magaalooyinkaasi ku nool. Gantaallada ayaa xalay saacaddu markay ahayd 11-ka fiidnimo lagu gaaray magaalooyinkasi.

Xafiiska isgaarsiinta dowladda ee degaankaasina wuxuu sheegay iney qaraxyo ka dhaceen meela ka mid ah magaalooyinkaasi.

Waxaa la sheegay in qaraxa kaddib ay rasaas xooggan socotay muddo 20 daqiiqo ah, wallow aan la sheegin cidda rasaastaasi isdhaafsanysay.

Markii qaraxa laga maqlay magaalooyinkaasina waxaa la jaray Korontada inkasta oo ay markii dambe u soo laabatay. Wararkii u dambeeyana waxay sheegayaan in xaaladda magaalada Baxir-daar ay si caadi ah ku soo laabatay.