Uncategorized

Duqeymo diyaaradeed oo saacidihi la soo dhaafay ka dhacay Jubbooyinka.

Muqdisho-KNN-Duqeymo maalmihi u danbeeyay ka socda deegaano kamid ah gobolada  Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe  ayaa sii xogeystay waxaana ay saraakiisha ciidanka xooga dalka ee halkaasi ku sugan ka bixinayaan faah faahino.

Maxamed shiiq cabdi tooshle sarkaal ka tirsan ciidamada xooga islamarkaana  jooga degmada Jamaamde ee gobolka Jubbada Hoose Ayaa KNN  u sheegay in ay duqeymo diyaarad oo isdaba joog ah ka socdaan degmooyin kamid ah Jubbooyinka  gaar ahaan Jilib , Bu’aale , Beerxaani iyo deegaano kale oo  la duqeeyay isagoo intaa ku daray  in diyaaraduhu ay duqeeyaan meelaha ay Jubbooyinka ka joogaan Al-shabaab aysana joogsan doonin inta laga saarayo.

Waxaana uu sidoo kale sheegay in lagu bur-buriyay saldhigyo ay dagaalamayasha Al-shabaab kaga sugnaayeen halkaasi laguna dilay inka badan labaatan kamid ahaa.

Dhanka kale Maxamed Shiiq Cabdi ayaa hadalkiisa ku daray in ciidamda militariga Soomaaliya iyo daraawiishta Jubba-land oo isgarabsanaya ay degmooyinka Jubbada Hoose kawadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ku doonayaan in ay kula wareegaan.

Todobaadki aynu soo dhaafnay ayaa dhowr jeer oo is xig xiga waxaa diyaardo dagaal ay duqeeyeen degmooyin kamid ah jubada hoose oo ay jamaame kamid tahay halkaas oo la sheegay in lagu dilay saraakiil shabaab ah.

Sanadkii hore ee 2017 iyo sanadkaan bilowga ah ayaa ay kor u kacday tirada duqeymaha ay diyaarasaha mareykanka ka fulinayaan degmoiyin ka tirsan gobolada jubooyinka iyo shabeelaha hoose waxaana lagu waramayaa in ay saameeyn weyn ku yeekatay dhaq dhaqaaaqa ay goboladaasi ka sameeyaan dagaalamayaasha Al-shabaab.