Somali News

Duqeymo ka dhacay deegaano u dhaw magaalada Cowswayne

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka wadaan deegaan ka Cowswayne iyo deegaannada Hoos yimaada.

Sidoo kale waxaa la soo sheegaya in la maqlay duqeymo xooggan gudaha iyo tuulooyinka u dhow deegaanka Cowswayne oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga.

Howlgallan ayaa yimid ka dib markii shalay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Xoogga ku leeyihiin deegaanka Cowswayne.

Dagaalkaasi waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac, labada dhinac ayaana guulo ka kala sheegtay.