Somali News

Duqeymo ka dhacay saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Jilib

Jilib-KNN-Diyaarado dagaal ayaa Xalay duqeymo ka gaystay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe iyo deegaanno ku dhaw degmadaasi.

Duqeymahan ayaa siyaabo kala duwan u dhacay degmada , waxaana wararku ay tilmaamayaan in diyaaradahan ay dhulka la simeen saldhigyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku leeyihiin  degmada Jilib.

Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in diyaaradaha ay dhowr gantaallo ku dhufteen saldhigyo muhiim ah oo ku yaala degmada Jilib ee gobalka Jubada dhexe,waxaana la sheegay in khasaaro uu soo gaaray Al-Shabaabkii la wareeray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la bartilmaamaysaday Madaxa Amniyaad Al-Shabaab ee u qaabilsan gobalka Jubada Dhexe iyo dagaalamayaal ilaalo u ahaa sargaalkasi.

Inta badan  Diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa keny ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah gobalada Jubooyinka iyo gedo oo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay maamulaan.