Somali News

Duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay Jilib iyo Bu’aale

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada dhexe gaar ahaa degmooyinka Jilib iyo Bu’aale oo ka wada tirsan gobolkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe ay ka dheceen duqeymo culus oo ay geysteen diyaarado daroonis ah.

Duqeyntaasi ayaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab dad kusugan degmada Jilib ayaa noo sheegay in xalay diyaaraduhu burburiyeen Guri uu Jilib ka deganaa uqaabil sanihii Alshabaab ee gobolka Banaadir Khadar Abuur Xasan, waxaana la sheegay in duqaynta gurigiisa loo geystay ay ku geeriyoodeen isaga iyo labo dagaalame oo ilaalo u ahayd.

Xarumo waaweyn oo Alshabaab ay ku lahaayeen duleedka magaalada Jilib ayaa la sheegay in ay gabi ahaanba xalay burburiyeen diyaaraduhu, ila wareedyo aan kuleenahay Jilib ayaa kasoo xiganeynaa in Saldhig weyn oo Alshabaab ay ku keysan jireen qaraxyada in uu ku jiray xarumihii xalay la duqeeyay.

Duqeynta lala beegsaday  Saldhigaasi waxaa naloo sheegay in lagu dilay illayo 15nin oo sida la sheegay ahaa macalimiin qaraxyada u sameeya Alshabaab oo kusugnaa saldhigaas, tirada guud ee dhimashada ay dhaliyeen duqeymahaasi ayaa lagu sheegay ilaa 18 ruux waxaana lasoo sheegayaa in ay dhaawacyo jiraan.

Dhanka  kale isla xalay degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe waxaa la sheegay in Ciidamo cadaan ah ay weerar toos ah ku qaadeen goobo uu kamid yahay saldhiga dhexe ee degmadaasi oo fariisin u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la sheegay in Ciidamadaasi ay ka daateen diyaarado daroonid ah.

Ciidamada cadaanka ah ee weerarka tooska ah xalay ku qaaday Bu’aale ayaa lasheegay in ay u dhaceen xarumo badan oo Al-shabaab ay ku sugnaayeen.

Xarun magaceeda lagu sheegay iclaamka guud ee Bu’aale ayaa lasheegay in ay ka mid tahay xarumaha xalay la weeraray, ilaayo 30 dagaalame ayaa lasheegay in Shabaab looga dilay xaruntaasi, sidoo kalana ay Ciidamada weerarka ku qaaday ay halkaasi ka rarteen hub culus oo Alshabaab ay lahaayeen.

Waxaa jira xarumo kale oo ay kamid yihiin xarunta Amniga gudaha, Buundada Bu’ale iyo xarumo kale oo ay xalay ka dheceen weeraradaasi.

Duqeymaha oo sida la sheegay soo gaaray saakay Salaadii Subax ayaa ilaa hada waxaan la ogeyn khasaaraha rasmigaa ee ka dhashay iyo in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay.

Dadka kunool degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ayaa noo sheegay in xalay ay lasoo deristay cabsi xoogan duqeymuhuna ay u dhacayeen si isdaba joog ah, taasi oo sababtay in aan xalay laga hoyan degmooyinkaas, dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay deegaanadaasi ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan.