Uncategorized

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Bari

Caluula–KNN–Wararka ka imanaya Degmada Caluula ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Diyaarado aan la garaneyn cidda iska leh ay duqeyn ka geysteen degaan hoostaga degmada Caluula.

Ilaa hadda lama garanayo khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday degaanka lagu mahacaabo Af -kala haye oo 24km u jira Caluula.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen duqeyn xoog leh oo ay ka argagexeen taas oo aysan garaneyn cidda geysatay,waxaana ay muujiyeen cabsi ku soo korodhay degaankaas.

Degaanka la Duqeeyay ayaa la sheegay in ay Fariisin ku leeyihiin Kooxda daacish eek u sugan Gudaha Soomaaliya.