Kismaayo-KNN- Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka geystay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose.
Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday Deegaanka Buulla Xaaji ee Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.
Inta la xaqiijiyay Sedex qof ayaa ku dhintay , hal kalana waa uu ku dhaawacmay, kadib markii duqeyn ka dhacday Deegaanka Buulla Xaaji.
Dadka Deegaanka ayaa KNN u sheegay in Xalay ay maqleen jugta Madaafiicda Culus, islamarkaana waxaa ay sheegeen in ay cabsi badan soo wajahday.
Dowlada Mareykanka ayaa waxaa ay kordhisay duqeynta ay la beegsanayso saldhigyada ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish.
Dhawaan ayay aheyd markii Taliska mareykanka Africom ay sheegeen in duqeyn ay ka fuliyeen Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug , iyadoogaana sheegay in ay ku dileen 60 Dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.


