Somali News

Duqeyn ka dhacay gobolka Jubbada Hoose oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka fuliyay deegaanka Buurta Kuumba oo qiyaastii 12 kiilo mitir ujirta magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, halka sidoo kale la burburiyay xarun lagu tababarayay kooxdaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntii ka dhacday gobolka Jubbada hoose ay iska kaashadeen  Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda caalamka sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee qeybta 43-aad.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in meydad iyo dhaawacyo farabadan oo ahaa Al-Shabaabkii  lagu duqeyay  xarunta tababarka la geeyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.