Somali News

Duqeyn ka dhacay Jubada Hoose iyo Xubno shabaab ah oo la beegsaday.

Af-madow-KNN-Wararka ka imaaanaya Duleedka degmada Af-madow ee gobalka jubada hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo kuwa Kenya ay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka Sameeyeen degmadaasi.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa waxaa duqeymo la beegsadeen xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,islamarkaana waxaa la sheegay in khasaaro uu soo gaaray shabaabkii la weeraray.

Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaa waxxaa uu sheegay in howlgal ay iska kaashanayeen ciidamada Jubbaland iyo Kenya,isagoona Sheegay in goobaha ay deganaayeen Shabaab ay duqeymo la beegsadeen,Balse Ma sheegin Khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Dowladaha Kenya iyo Mareykanka ayaa waxaa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Xarumaha ay dagaalamayasha AL-shabaab ay kaga sugan yihiin qeybo ka mid ah gobalada Jubooyinka iyo gedo.