Muqdisho-KNN-Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen Deegaano ka tirsan Gobalka galgaduud oo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab
Duqeynta ayaa lala beegsaday Gaadiid Dagaal oo ay saaraayeen xubno ka tirsan Alshabaab oo marayay inta u Dhaxeysa Degmada Galhareeri iyo .deegaanka cagacade ee Gobalka Galgaduud.
Dadka Degaanka ayaa Sheegaya in Khasaaro lixaad leh uu soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib markii duqeynta ay ku dhacday Saldhigyo Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Garhareere.
Wararka qaar ayaa Sheegaya in Dhimasho
iyo Dhaawac uu soo gaaray Dagaalamayaasha
Al-shabaab.
Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay
Al-shabaab oo ku aadan duqeyntii xalay lala eegtay gaaadiid ay lahayeeen
oo ku sugnaa xiliga ay duqeynta
dhacday.


