Somali News

Duqeyn ka dhacday Gobalka Shabeellada Hoose.

Muqdisho-KNN-Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.

Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Arbacow iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.

Goojoogayaal ayaa KNN u sheegay in duqeynta ka dhacday Arbacow lagu burburiyey xarun lagu keydiyo walxaxa loo isticmaalo ismiidaaminta ee lagu xiro gawaarida qaraxda iyo shaqsiyaadka is qarxiya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga ayaa Sheegay in duqeynta lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobalka Shabeellada Hoose, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan duqeynta ka dhacday Deegaanka Arbacow.

Dhanka kale duqeymo kale ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhaceen degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo kala tirsan Gobalada Jubbooyinka, waxaana la tilmaamay in duqeynntaasi lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Xasan Seylici oo ka tirsan waxa ay Al-Shabaab u yaqaanaan  amniyaadka.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan Gobalada Shabeellada Hoose iyo Jubbooyinka oo ay la beegsanayaan Saldhigyada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.