Leego-KNN-Diyaarado aan heybtooda la garan ayaa waxa ay duqeeyeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose.
Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in goobaha la duqeeyay ay Al-Shabaab xarumo ku lahaayeen.
Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay KNN ayaa xaqiijiyay duqeyntan.
Sidoo kale dadka deegaanka oo aan la hadalnay waxa ay sheegeen in goobo Shabaab ay ku sugnaayeen la beegsaday, meelaha la duqeeyayna waxaa kamid ahaa bar-kontorool oo degmada Leego laga soo galo, Shabaab-na xarun u aheyd.
Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, sidoo kalana lama oga cidda rasmiga ah ee ka danbeeysay duqeyntan, inkasta oo duqeymaha ka dhaca Soomaaliya ay intooda badan Mareykanku fuliyaan.