Maxaas-KNN-Diyaarado dagaal ayaa maanta waxaa ay duqaymo ka fuliyeen duleedka degmada Maxaas Gobolka Hiiraan.
Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ganuribad oo hoostaga Degmada Maxaas.
Gudoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan Maxamed Cabdi Cawaale Oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay in duqeynta ay ka dhacday duleedka Degmada Maxaas.
Gudoomiyaha ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.


