Somali News

Duqeyn ka dhacday Jilib oo lagu dilay Xubno Al-Shabaab ah

Muqdisho-KNN-Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka laga helayo degmada Jilib ayaa sheegaya in duqeyntaasi lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday afar goobood oo Al-Shabaab ay Xarumo ku leeyihiin degmada Jilib.

Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah, Saldhiga Degmada Jilib, xarunta degmada, xarun ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmada Jilib, kuwaasi oo loo diyaariyay inay weeraro ka fuliyaan Deegaanka Baarsanguuni iyo Xarun ay qaraxyada ku diyaariyaan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku sugnaayeen ilaa iyo 60 Macalin.

Ilo madax banaan oo diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeynta ka dhacay degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe .

Weerarkii ka dhacay Saldhiga degmada Jilib ayaa la xaqiijiyay in ay ku  geeriyoodeen 19 dagaalame oo uu ku jiro Sarkaalkii maamulayay Saldhiga degmada, kaasi magaciisa lagu sheegay Xasan Dheere, iyo kuxigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray Macain Cali iyo Maxaabiis u xirneed Al-Shabaab oo tiradooda gaaraysa 5 qof, halka 8 dagaalame ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Duqeynta labaad ee lala beegsaday Xarunta Degmada ayaa waxaa la soo wariyay inay ku geeriyoodeen 9 xubnood oo uu ku jiro Macalin Tababare ah, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay xuseen Xayle.

Weerarkii sedexaad ee ka dhacay xarun ay Al-Shabaab qaraxyada ku diyaariyaan ayaa waxaa ku geeriyooday 53 Macalin, Waana tiradii ugu badneed ee macalimiin ah ee ku dhinta xaruntaasi., sida aan ka soo xiganay saraakiil ciidan.

Sidoo kale Weerarkii Afaraad ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen 279 dagaalame iyo saraakiil, halka 44 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana xusid mudan in xaruntan ay ku sugnaayeen 450 dagaalamayaal iyo saraakiil Al-Shabaab ah.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan Saldhigyada ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobalka Jubbada Jubbada Dhexe .