Somali News

Duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe.

Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Injineer Cabdi Xuseen Shiikh Maxamed Wasiirka Wasaaradda Wafaafinta ee dowlad goboleedka  Jubbaland ayaa sheegay in duqeymahaas lagu beegsaday  saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka ma uusan sheegin magacyada saraakiisha duqeynta lagu dilay, iyo taradooda saxda ah.

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab.