Somali News

Duqeyn ka dhacday Jubbooyinka iyo shabeellada hoose.

Wararka imaanaya gobolada Jubbooyinka iyo shabellada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobaladaasi.

Duqeymaha ayaa la sheegay in ay kala dhaceen magaalooyinka Jilib, Bu’aale, Jamaame iyo Kuuya Barow oo ka kala tirsan Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in degmada Jilib  lagu duqeeyey Xarun Al-Shabaab ay hubka ku keydiyaan, waxaana la sheegay in saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab halkaasi lagu dilay, halka duqeyn kale ay ka dhacday degmada Bu’aale.

Sidoo kale degmada Jamaame ayaa la soo warnayaa in duqeyn kale ay a dhacay xalay, islamarkaana lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in ku tababaranayeen xarun ku taala degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa KNN u sheegay in duqeynta sedexaad  ka dhacay Deegaanka Kunyabarow oo dhaca Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana halkaasi lagu diley sarkaal  sare oo katirsan Hogaanka Caafimaadka Al-shabaab.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan gobalada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose.