Somali News

Duqeyn ka dhacday Shabeellada hoose.

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Diyaarado dagaal oo xalay  duqeymo  ka fuliyay xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin  deegaano ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday inta u dhaxeysa Sablaale iyo Imbarayso oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in la beegsaday xarun ay Al-Shabaab dadka ku tababaraan oo ku taala inta u dhaxeysa Sablaale iyo Imbarayso ee gobalka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Al-Shabaab.

Ma jirto weli faah faahin intaan ka dheer oo duqeymahan laga helay.