Somali News

Duqeyn laga fuliyay G/Hiiraan & Al-shabaab oo ka hadlay

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa war kasoo saaray duqeyn maanta duhurkii la sheegay in laga fuliyay inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne, gaar ahaan aag hoostaga deegaanka Coomaad, halkaas oo dhawaanahaanba ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya in aaggaas ay gantaal ku dhufutay, balse aysan jirin khasaare ka dhashay duqeyntaas.

Illo deegaanka ah ayaa sheegay in inay jirto duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday halkaas laakiin ma aysan sheegin cidda fulisay weerarkaas.

Sidoo kale, waxay sheegeen in maanta ay arkayeen diyaarado joog hoose ku duulayey, ,kuwaas oo kasoo kicitamay dhanka xuduuda dalka Itoobiya.

Dhanka kale, Dowladda Itoobiya weli ma aysan sheegin in duqeynta ay ka fulisay gudaha Soomaaliya ay ku dishay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, balse waxaa lagu wadaa inay war kasoo saarto, sida la sheegay.