Somali News

Duqeyn lagu dilay Dad rayid ah oo ka dhacay Dalka Suuriya

Muqdisho-KNN-In ka badan 20 ruux oo shacab ah ayaa dhimatay kadib duqaymo ay dowladda Suuriya oo garab ka heleysa Ruushka ay wali ka wado waqooyi galbeed dalkaasi Suuriya.

Weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhaca waqooyiga galbeed ee dalkaasi gaar ahaan gobolka Idlib ayaa imaanaya xilli Qaramada Midoobe ay quwadaha Caalamka ku eedeysay wax kaqabasho la’aanta burburka iyo dhiiga ku daadanaya Suuriya.

Hal bil oo ay duqaymo xoogan ka wadaan dowladaha Suuriya iyo Ruushka goobihii ugu danbeeyay oo ku sugan yihiin falaagooyinka dowladda kasoo horjeeda ayaa waxaa ku dhintay 229 ruux halka in ka badan 700 oo ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Sagaal Caruur ah ayaa ka mid ah 21-ka ruux ee ku dhimatay duqaymaha ay dowladda Suuriya ka fulisay dhawr magaalo oo hoos taga gobolka Idlib iyo baadiyaha Xalab sida uu shaaciyay urur la socdka dagaalka Suuriya fadhigiisuna yahay UK.

Gobolka Idlib iyo qaybo ka mid ah gobolka Xalab ayaa wali ku jirta  gacanta kooxda Xayaat Taxriir Al-Shaam oo horay uga tirsanaan jirtay urur waynaha Al-Qaacida.