Somali News

Duqeyn lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Sh/hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqayn xalay culus oo ka dhacday Degmada Kuunya-barow ee gobolka Shabeelada Hoose.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarado dagaal, ilaa afar gantaal ayaa lala beegsaday goob ay ku shirayeen saraakiil sare oo ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tira Dagaalameyaasha Al-shabaab, halka intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Xubnaha ku geeriyooday duqeynta ayaa waxa kamid ah Julaybiib Al-muhaajir oo ka soo jeeda dalka Kenya, Cabdifitaax oo ka soo jeeday Suudaan, Abuu Shiishaani oo ka soo jeeday Yeman iyo Abu Khalid oo Soomaali ahaa haystayna dhalashada dal kale.

Saaxiibada Caalamiga ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya duqeynta dhinaca cirka ah oo lala beegsado dagaalameyaasha Al-shabaab.